10 Websites Muhiim ah oo aad wax badan ka faaidayso?


 


Article kan waxaan kaga hadli doonaa 10 Website oo Faaido Badan oo ku anfacaya mar walbana aad u baahan tahay isticmaalkooda kuwaas oo aad in badan raadinaysay si aad mar uun u hesho .

 Ninite

Website ka u horeeya waxa la dhahaa Ninite.com badanaa softwares ka aynu ku isticmaalno Computers ku waa lacag oo waa lagaa iibinayaa lkn website kan ninite la dhaho waxa aad ka helaysid application walba oo computer kaagu uu u baahan yahay kaas oo aanu ka maarmayn adiga oo ku helaya si free ah oo aanad lacag ku bixinayn . Si aad ula dagto apps walba oo aad u baahan tahay link gan ku dhufo Ninite.com ka dib app walba oo aad u baahan tahay halkaas kala dag.

 

 

 Edit.Photo

Website ka labaad waxa la dhahaa Edit.photo dadka aan aqoon badan u lahayn apps ka lagu editing gareeyo sawirada ee raba in ay sawiradooda dhakhso u hagaajistaan iyagoon u baahnayn apps-ka kala duwan ee sawirada lagu hagaajisto ee ay ka mid yihiin photoshop-ka iyo kuwa kale ee lacagta ah kuwaas oo wakhti badan kaa qaadanaya si aad ugu hagaajisato sawiradaada oo qaar kood lacag lagaa qaadayo si lagugu ogolaado in aad ku hagaajisato . Hadaba website kani wuxuu kaa caawinaya in aad si dhakhso ah ugu hagaajisato sawiradaada adigoo wakhti badan ba kaa qaadanayn oo aan wax lacag ah lagaa qaadayn oo aad si bilaash ah sawiradaada ugu hagaajisan karayso website ka link giisu waa kaas Edit.Photo ka dibna sawir walba halkaas ku hagaajiso .


 Have i been pwned

website kan Saddexaad waxa la dhahaa Have i been pwned.com hadii aad maqli jirtay qof ayaa email kiisii la jabsaday oo ay dad hackers ah ay ka jabsadeen email kiisi ama aad maqashay email kaas dhowr mar oo kale ayaa la jabsaday. Hadaba si aad u ogaato email ka aad isticmaasho in la jabsaday iyo in kale hadaba website kani wuxuu kaa caawinayaa in uu kuu sheego inta jeer ee la jabsaday email kaaga hadii aan la jabsan email kaagana wuu kuu sheegayaa oo waa nadiif ayuu ku dhahayaa , waa kaas link-ga website ku Have i been pwned.com .


 Alternativeto

Website kan Afaraad waxa la dhahaa Alternativeto.net Hadii aad softwares ka computer ka lagu isticmaalo badan koodu yihiin lacag oo aanad awoodin lacagta la siinayo apps kaas. Hadaba website kani wuxuu kaa caawinayaa in aad hesho softwares free ah oo lacag lagugu xidhayn oo u dhigma sida apps-ka lacagta ah oo aan kaba dhicin ba kuwa lacagta ah hadaba waa kaa website ka link giisu Alternativeto.net .


Waa maxay drawio

Website ka shanaad waxa la dhahaa drawio.com hadii aad u baahnayd meel lagu nashqadeeyo designs walba oo aad u baahato tusaale nashqadaha network iyo nashqadaha Ganacsiga iyo wax yaabo badan. hadaba website kani wuxuu kaa caawinayaa in aad si free ah aad ku nashqadayn karayso shay walba oo aad u baahanato waa kaas link ga website ku drawio.com.









Comments