Waa maxay AI ?
Waxa Soomaali ahaan lagu dhahaa Artificial Intelligence Garaadka macmalka ah kaas oo lagu soo daray technology casriga ah isagoo u shaqaynaya sida bina aadamka oo kale.
Hadii aan intaas ka nimaadno waa maxay BARD AI ? Yaana iska leh ?
BARD AI waa Garaad ka macmalka ah ee technolgy casriga ah lagu soo daray kaas oo u shaqaynaya sida bina aadamka oo kale isagoo kuu qabanaya shaqooyin badan sida in uu kuu dhiso mobile Application , Desktop Application iyo in uu ku siiyo qorshayaal aad ku abuuran karto ganacsi iyo wax walba oo aad u baahato .
Waxa iska leh Bard AI shirkada GOOGLE Kaas oo Tartan cajiib ah oo dhinaca technology Kala dhexeeyo shirkada leh GhatGPT AI ee OPENAI.
BARD AI ayaa u shaqaynaya sida ChatGPT AI oo kale , In kasta oo wali si wacan loo sii wada dayn Bard AI oo uu ku jiro tijaabadiisii ugu horaysay ayaa wadamada qaar loo ogolaaday in ay isticmaalaan Wadamada qaarna loo diiday in aanay isticmaalin Hadii aad rabto in aad tijaabiso BARD AI waxaad account ka samaysanaysaa website kooda adigoo isticmaalaya VPN .
Comments
Post a Comment